Muxuu Ku Jiraa Xalka Hirshabeelle?

0
Waxaa cirka kusii shareerraya khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamullada dalka ka jira, kaas oo gaaray xitaa heer ay xiriirka u jaraan dhanka dowladda.
Madaxweyne Waare oo kamid ahaa madaxdii calaaqaadka u jartay dhiggooda dowladda dhexe ayaa Muqdisho ugu dambeyn kula heshiiyay dhiggiisa dowladda dhexe.
Wuxuu sheegay in la xaliyay khilaafka maamulkiisa kala dhexeeya VIlla Soomaaliya, ha yeeshee dad badan ayaa aaminsan in la xaliyay khilaafkii u dhaxeeyay Waare iyo Villa Somalia, se aan la xalin tabashada dadka Hirshabeelle ay ka tabanayaan dowladda dhexe.
Hirshabeelle ma hesho aasasiyaadka ay helaan maamullada kale, sidoo kale waxaa muhiim ah in Waare uu ka fekero baahida dadka Hirshabeelle.
Geeska Afrika waxaa ka bilowday harddanka badaha, maamul kasta oo kamid ah maamullada dalka wuxuu leeyahay deked uu lasoo shir tegi karo, ha yeeshee Hirshabeelle dhagax dhig iska dhaafee qorshaha xitaa kuma jirta.
Ka fekeridda in loo helo maalgelin dekedda Cadalle ayaa ah waxa ugu muhiimsan ee horyaalla madaxweyne Waare, se uu iska indha tirayo.

You might also like More from author

Leave A Reply