Ehelka Ardayad 9 Jir Ah Oo Muqdisho Lagu Dilay Oo Si Dareen Leh Uga Hadlay Dhacdadaas

0
Deeqo Daahir Cali waa Gabar yar oo 9 jir ah shalay ayey ku dhimatay Israsaaseyn ka dhacday agagaarka isbitaalka Digfeer M/ Muqdisho, taas oo u dhexeysay Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Deeqo ayaa ka mid aheyd Ardayda wax ka barata iskuulKa Hoyga Xamar, iyadoona dilkeedu uu dhacay, xilli ay saarneyd mid ka mid ah Gawaarida Iskuulkaasi.
C/fitaax Maxamed Kaahiye oo ahaa wadaha Gaarigaasi ayaa warbaahinta uga warbixiyay, sida ay wax u dhaceen.
Waxaana uu sheegayin xilli Waddadu ay xirantay kadib ay murmeen Ciidan ilaalo u ahaa Janaraal Sheegow iyo Askar kale, taas oo sababtay in labada dhinac ay israsaaseyn dhexmarto.
MR Kaahiye ayaa hoosta ka xariiqay in Rasaasta ay isweydaarsadeen dhinacyadaasi ay haleeshay Deeqo, taas oo uu xusay in uga timid dhinaca ay ka xigeen Ciidankii la socday Janaraal Sheegow.
Sidoo kale Hooyo Safiya Maxamed Axmed oo ah Hooyada dhashay gabadhaasi Geeriyootay ayaa ka dalbatay madaxda DFS in cadaalada la horkeeno Askarigii ka dambeeyay dilka gabdheeda.
Ugu dambeyn mar ay warbaahinta wax ka weydiisay dhacdadan Janaraal Sheegow Axmed ayaa waxa uu sheegay in uusan si cad u sharrixi karin wixii ka dhacay halkaasi.
Balse waxa uu beeniyay Janaraalku in falkaasi dilka ah uu ka dambeeyay mid ka mid ahaa Ilaaladiisa.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

You might also like More from author

Leave A Reply