FIIRSO:-Nuxurka hadalladii xasaasiga ahaa ee Xildhibaanada Golaha Shacabka

0
Kulankii Baarlamaanka federalka Soomaaliya ee maanta oo looga hadlay dhinaca Amniga ayaa Xildhibaanadii hadalada ka jeediyey waxa ay dhammaan walaac ka muujiyeen xaalada Amni ee dalka.

MAHAAN KA FIIRSO

 Xildhibaan Maxamed Ganey oo ka hadlayey kulanka amniga ee golaha shacabka waxaa uu yiri “fadlan ra’isul wasaare is casil waad fashilantay” Xildhibaanka waxaa uu intaasi raaciyey “Shaqada dowladu waxa uu ku soo aruuray facebook iyo Twiter”.
MAHAAN KA FIIRSO

Xildhibaan Caasho Koos: Wadooyinka Ciidamadu joogaan qaar kood kuma kalsooni qabno waxaana ku marnaa hooyooyin soomaaliyeed ayaa nahay taasina waa cabsi jirta.
MAHAAN KA FIIRSO

Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi: Amnigu faraha ayuu ka baxay waxa uu marayaa heer shabaabku dadka baadaan, Ra’isul wasaaraha amnigu uu sheegayo ma ahan amnigii saxda ahaa ee dalku u baahnaa, isagu geesaha ayuu iska marinayaa wiilal looo geliyay dhar isu eg. Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay in laba sano gudohood uu ku soo afjari doono shabaab hadana waxaa ka dhiman 4 bilood ama wax ku dhow hadana halkaas ayaan maraynaaa.
MAHAAN KA FIIRSO

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale: Dowladu halkii ay weerar ku ahaan lahayd Al-shabaab iyagaa weerar nagu ah, saxna ma ahan!
Sido kale Xildhibaanku wuxuu sheegay in dadkii ku noolaa magaalooyinka ay dowladda xukunto ay cadaald iyo garsoor ba u aadayaan Maxkamadaha Al shabaab
MAHAAN KA FIIRSO

 

Xuseen Carab Ciise: Dalkaan waxaa ka jira cadaalad darro wayn iyo musuqmaasuq ballaaran, anigan oo xildhibaanka ah ayaa dhulkaygii la iigu haystaa oo sharciyo been la iisoo samaystay, Dadkuna iney shabaab u garsoor tagaan waa cadaalad darrada jirta iyo musuqa.
MAHAAN KA FIIRSO

You might also like More from author

Leave A Reply