“Eng Yariisoow Horta Ma Is Ogyahay?!!!!”

0
Waxa aan goobjoog u ahayn iyada oo Injineer Yariisoow kamid yahay xukuumadda ra’iisul wasaarayaal badan oo dalka soomaray, sidoo kale waxa aan soo aragnay iyada oo uu yahay afhayeen dowlado kala duwan, haddana waxa aan shaahiddul cuyuun u nahay isaga oo ah guddoomiyaha gobolka Banaaddir ahna duqa Muqdisho.
Yaab ma noqon doonto in aan ku aragno Eng Yariisoow  xafiiska labaad ee ugu sareya dalka, taasna waxa sabab u ah laba midkood, Kow dulka iyo samirka, waa sifo wanaagsan oo looga baahan yahay qofka mas’uulka ha yeeshee sifada labaad ayaa tirtireysa tan hore, waana in uu yahay qof lagu daneyste “Haa” uun yaqaanna, sababtaas ayaa keeneysa in uu ula shaqeeyo dowlad kasta isaga oo noqonayay mar kasta xilka loo dhiibo.
Waxa isweyddiinta mudan ayaa ah, maaddaama Injineer Yariisoow uu yahay guddoomiyaha gobolka Banaaddir maxaa ku qasbay in uu u nacamleeyo weli madaxweyne Farmaajo,? waa cajiib in aad aragto mas’uul mid kale ku amaanaya howshiisa, ma xuma in howsha la isku bogaadiyo, haddana waxaa mudnaanteeda leh in ay xad yeelato ammaanta iyo guulwadeynteeda.
Waxa aad isweyddiineysaa, waa maxay waxa uu ka sasabanayo madaxweyne Farmaajo? waa qof ugu yaraan xod xodasho kujira, marka loo eego qaabka guulwadeenta ee uu sameynayo.
Isku soo xoorinta arrintan waxa ay iskugu biyo shubaneysaa uun in shaqsiyadda guddoomiyaha la ciladeeyo oo lagu sheego in uu yahay qof shakhsiyaddiisu ay liidato, sida dad badan ay aaminsan yihiin.
Horta ma is ogyahay Yariisoow?

You might also like More from author

Leave A Reply