Madaxda maamullada oo soo saaray qoraal kasii daray xiisaddii (Aqriso)

0
Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa war murtiyeed ka soo saaray baaqii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee uu madaxda dowlad goboleedyada isugu yeeray shir wadatashi ah oo dhaca 17-18 nisha September, kaddib go’aankii dowlad goboleedyada ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka.
Maamul goboleedyada ayaa shuruud ku xiray wada xaajood ay la galaan dowladda Federaalka, si lagu dhameeyo khilaafka, waxaana ay soo jeediyeen in la helo xaraf saddexaad oo door dhexdhexaadin iyo damaanad qaade ka shaqeeya shir kasta arrimaha khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada looga hadlayo.
Sidoo kale maamul goboleedyada ayaa soo jeediyay in sababo amni awgeed  in la isla meel dhigo goobta uu shirka ka dhacayo iyo amnigeeda.
 Akhriso war murtiyeedka:-
Shabakada Shaaciye
Xafiiska Muqdisho Somalia
warkashaaciye@gmail.com
20180914 173841 696x980
20180914 173841 696×980

You might also like More from author

Leave A Reply