Hotel Uu Dagnaa Md Shariif Sakiin Oo La Weerarray

0
Waxaan cambaareynayaa sirdoonka dowlada keyna oo xaley ku xadgudbay madaxweeynaha dowlad Goboleedka Konfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan qol uu Ka degnaa hotel ku yaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya sida ay ii xaqiijiyeen masuuliyiin la socta Shariif Xasan,
waxaa madaxweeynaha u soo dhacay qolkiisa rag hubeysan oo gaaraya 18- nin oo ah ciidanka gaarka ee sirdoonka keyna waxay gudaha u galeen qolka waxay kala baxeen boorso uu lahaa Shariif Xasan oo ay ku jireen decomentiyo iyo lacag .
ciidamada oo ku jira baaritaanka ayaa waxaa gudaha qolka u soo galey Shariif Xasan oo isku deyey inuu lahadlo isaga iyo agaasimaha Madaxtooyada KGS oo safarka ku wehliyay waxay isku deyeen inay hakiyaan arintan oo ay la hadlaan masuuliyiinta hotelka durbadiiba waxaa Telefon la soo baxay masuul kale oo la socday Shariif oo qolka banaanka Ka joogay inta uu xiriir saameynin waxaa amar bixiyay taliyaha watey ciidnkaasi isgoo ku amray cidamadu inay dhamaan ka qaadaan telefoonada gacanta,
Madaxweeyne Shariif Xasan markii telefoonka gacanta laga qaadey wuxuu isku deyey askariga inuu kula dhego telka askariga ayaa awood u sheegtay Shariif Xasan waxaa soo dhexgaley is jiid jiidka askari kale, wuxuu kala tuuray Madaxweeyne Shariif Xasan, dhaawac yar oo dhinaca muruqa lugta ayaa Ka soo gaarey Shariif Xasan jaran jaro qolkiisa u dhoweyd oo uu ka soo dhacay,
Taliyaha watey ciidankaasi ayaa u sheegay shariif xasan inuu is dejiyo, oo ciidanka u hogaansamo baarinaat yar oo ay qolkiisu ay ka wadaan, waxaa loo sheegay inuu tuhun soo gale qolkiisa oo la soo geliyay lacag, baaritaanka ka dibna la fasixidoono hadii dembi lagu waayo, waxay hore u qaateen ciidamadu agabkiisa iyo lacagta,
xaalada caafimaad ee Madaxweeyne Shariif Xasan ayaa hada mid iska caadi ah, saakey ayaa isbitaal la geeyey, si loo hubiyo wixii gaarey sida hadalkan uu ii xaqiijiyay masuul ka tirsan Xafiiska Madaxweeyne Shariif Xasan ,
Maalinta berri ayaa lafilayaa in loo soo kaxeeyo magaalada Muqdisho shariif xasan iyadoo aan weli wax jawaab ah laga helin sirdoonka keyna dibna uguma soo celin gabkii iyo lacgihii ay kala baxeen qolkiisa .

You might also like More from author

Leave A Reply