Sawirro:-Musharaxiinta K/galbeed oo la kulmay Gudoomiyaha BF!

0
Qaar ka mid ah Musharaxiinta Xilka madaxweynaha  Maamulka Koonfur galbeed ayaa xalay la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Somalia,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, kulankaasi oo ka dhacay  hoyga  Gudoomiyaha ee Magaalada Muqdisho.
Musharaxiinta la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa kala ah :
1. Sheekh Muqtaar Roobow  Cali (Abuu Mansuur) ku xigeenkii hore Hogoomiyaha Al shabaab
2. Maxamed Ibraahim Farkeeti Wasiirkii Hore Maaliyada Dowladda Fedaraalka
3. Aaamino Maxamed Mursal
  1. Cabdullaahi boonow
  2. Yuusuf Baadiyow
Kulanka ayaa ahaa mid ay isku-xog wareysanayeen Musharaxiinta iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somalia, iyadoo Musharaxiinta -ay  Guddoomiyaha Golaha shacabka kala hadleen arrimaha doorashada, Koonfur Galbeed iyo sidii Dowladda Fedaraalka ugu ilaalin laheyd fara gelin lagu sameeyo inta aay socoto.
Musharax  Aamino Maxamed Mursal  oo kulanka ka qeyb gashay ayaa sheegtay in Arrimihii ay ka wada hadleen Gudoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya,ay si buuxda isula jeex-jeexeen si waafi ah oo niyad-sami ah, inta badana isku aragti ay  ka ahaayeen in isbadal u baahan yahiin Shacabka Koonfur Galbeed sideey hadalka u dhigtay.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in shacabka iyo aqoonyahanada Koonfur Galbeed dhamaantood xiligaan doonayaan  isbadal iyo in si xalaala doorashadu u dhacdo taasina uu garab taagan yahay.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa haatan wajahaya culees dhinacyo badan ugu imaanayo iyadoo dadka siyaasada falanqeeya sheegayaan in laga yaabo in isbadal uu ka dhaco deeganada Maamulka Koonfur galbeed waloow Shariif  Xasan u yahay musharax culus oo siyaasada ku xeeldheer.
Shabakada Shaaciye
Xafiiska Muqdisho Somalia
warkashaaciye@gmail.com
1kulan
1kulan
2 Kulan
2 Kulan

You might also like More from author

Leave A Reply