Tacsida laashimiinta Soomaaliyeed

0

Bahda LAASHIMIINTA guud ahaan; laashimiin, abwaanno, qorayaal, halabuurro iyo maamulba, waxay ka tacsidaynayaan geerida laashimad Layla Shadoor, iyagoo u tacsiyeynaya qoyskeeda iyo bahda halabuurka Soomaaliyeed, Eebbana uga baryaya, in uu raxmaddiisa ugu deeqo.

Geeridu waa gar la cenebyahay, la gariifo, la kahdo, la karaahsado, haddana aan la hurayn, saa waa xaq Eebbe addoomadiisa ku waajib yeelay, si ay u gartaan inuu kaligiis abuuraye.

Qof waliba waa dhimanayaa oo waa waajib lama gefaan ah, aniguna wax badan geeri waan usoo joogay, ilaa ay hortayda ku qurbaxeen qaar ka mid ah waalidkeey. Haddana marka laga reebo uurgubyood iyo wehel la’aan, ma jirin ruux indhahaygu u illimiyeen ama u ooyeen, ma anaa ad-adayg ah mase, samirkaa i qarqiyey ma garan karo. Balse maanta markii lay sheegay Geerida LAYLO MAXAMED CUMAR (LAYLA LADAN SHADOOR, AUN). Indhaheyga biyaa soo dhaafay, waxana aan ku sigtey inaan miirsoofo, run ahaantii waan taagnaa goortaan maqlayay, isla markiina waan fadhiistay, anoon ogayn. “EEBBOOW U NAXARIISO “Xanuun badanaa?”

Waan rumaysan waayay markii aan maqlay, ma diiddaneyn geerida mana garanweyn inay imaaneyso. Balse, waxay ila noqon wayday madal ku habboon iyo marwo mudan inay naga dhuumato.
Ilaahey gurigeeda Aakhiro ha uga dhigo mid udug badan oo naxariista Eebbe dul joogto. Annagana qof qiima badan oo booskii ay banneysay aan loo arki doonin qof noo buuxiya ayaa naga dhimataye, Eebbe ha naga samir siiyo.

Run ahaantii aniga si gaar ah ayay ii taabatey ee Rabbow mowtul-fajaha naga haay, ama la huri maayee noo kala dheerey. Waxa lagu ducaysan jiray; geeridu naguma qaddo, nagumana qoblayso. Taa soo ka dhigan meeshii ay ku qadda geeridu, waxan joogin dad. Meeshii ay ku qobleyso, kusoo noqnoqotona waxan ku harin dad. Sidaa aawgeed lama jecla, haddana lama huro oo waa lagu qasban yahay. Mar kale waxa la yiri: “Geeridu nimaadan garan iyo geel jireey ku raysaa.” Taa soo gef, maxaa yeelay geeljiruhu waxa uu leeyahay naf iyo waalid dhalay ehel ka uurgubyoonaya. Sidaa aawgeed ma jiro dad ama duunyo noole ah oo loo quuro dhimasho.

Rabbiyow LAYLA MAXAMED CUMAR ka waraabi Jannadaada firdowsa. Wadna saafi ah iyo arar sugan ayaan kugu barinnaye, Rabbiyow naga aqbal. Gadaasheedana ha na fidneyn, samir iyo imaan kaamil ahna naga sii Rabbiyow.

Tacsiyada Laylo Ladan, waxa ka falceliyay Abwaanno badan oo ay agtooda qiime ku lahayd, balse, aan geerida ka sacbo saari karin. Intii taqaannay waxay ku noqotay fajac iyo fara laalaab, inkastoo Qofka Islaamkaahu yahay, ruux ku qanca qaddarta Eebbe.

Abwaannadaasu siyaabo kala duwan ayay uga qayb qaateen, waxaanse kasoo qaadanayaa dhowr maanso oo Alle bari ah:

Naxwihiya Kitaabkiya sunnadi, Nalan ku nooleeyay
Nusqadii Jibriil keeni jiray, Berigi neecaawda
Nabigii la siiyaba adduun, Laguma noolayn’e (SCW)
Allihii intaasoo nimcaya, Nabiyadii uunka
Nuurkoodi siibee ka tegay, Nacab ku gaaloobey
Nolol kuuma waayini waxbaa, nalan ogaysiine
Ninka inuu ku naaxuu qabow, Nabaddu kaa dheere
Ninmaa malaggu nabar daynayaa, Waa naf kali noole.

Naska iyo Qur’aankaa na yiri, Noloshu waa qaal e
Haddii negida Eebbihi lahaa, Nolol ku waydaarshay
Niyad xumo ha joogtee asaa, Tiisa loo noqon e
Najaxaa qiyaamaha ka yeel, nuur jannoo udug leh.

Naf hujuunsan neecaaw ka dheer, Nabadna loo diidye
Maalmaad se nolol fiican iyo, Wadatay neecaaw e
Nudkiyaa falkadi loo naqaa, Waa niyaan jebin e
Dunidaanna waa lagu nastaa, Nin iyo xeeshiiye
Niyaddaad ku kulantaan qofkaad, Saaxib noqotaane
Adduunkaaba na la nuuxsadee, Eebbe kuma noojo.

Naxariista Eebbaa adduun, Lagula naaxaaye
Noormaalka Diintaa qabtee, Naafac ku ahaada
Naartana Alloow naga xijaab, Iyo nusqaanoo dhan
Nafti noolna Eebbay u naqan, Ee naxliga daaya
Nabiyadi Ilaahaan adduun, Lagu negaysiine
Nafaqada cibaaduuga dhiga, Ruuxda naqan doonta.

LAYLO MAXAMED CUMAR ( LAYLA LADAN SHADOOR) Eebbe ha u raxmado, qalbigayna kama go’i doonto e.

Xasan Cabbulle Calasow “Shiribmaal”

In adduunyo beenley tohoon, Axadba joogeynin
Oo laga aruuraa ifkaan, Uumka lagu beeray
Oo malaggi eebada lahaa, Amar la siinaayo
Aqli buuxa ruuxii wataa, Wa ogsoonyahaye
Abtisiimadii iyo wixii,,Ehelo kaa mayday
Kabillow awoowgaa ilaa, Xaawo iyo Aadan
Anbiyadi Ilaahey iyo, Awliyada buubta
Udgoonow rasuulkeeniyoo, Aaminka ahaaye (csw)
Oo ummadda loo soo diroo, Wax u iftiinaayay
Asaxaabihii iyo dhammaan, Ahalu qeyrkoo dhan
Geddigood Allaa oofsadoo, Waan ogsoonnahaye
Ilaahow na bixi maalintii, Iilka nalan geeyo.

Afki Eebehey lagu baryaa, Laga ajiibaaye
Naftuna waa ammaanoo Allaa, Lo addoonyahaye
Ejeshuna waxay kuu imaan, Adiga oo mooge
Maantana akhbaartaan ka heley, Inanta geeryootay
Ifka ugama tegin oo ma dhalin, Gabarya wiil toone
Inkastoo Ilaahey qaddaray, Ugubka geeryooday
Uurkaa ikaray oo afkaa, Aamuskii gebaye
Rabbiyow adaa mudan adaa, Lagu addeecaaye
U gargaar iftiinkana ubadi, Ugubka geeryooday

Ehelkana Ilaahow kasii, Samirya iimaansan.

Abwaan Cabdulle Hiraabe “Murti-dhuux

Qaadirow Allahayow
Qalbigaa na hurayoo
Laylo qaali dhimataye
Qabrigeeda waa sici
Jannadana ku qaymeey
Qaraabadana samir sii
Saygey ka quustana
Beddel Khayr leh EEBBOW
Ugu qayb adduunyada
Qool furaadna uga yeel
Qal-qalkiya dhibaatadi
Qalbigiisu soo maray.

Qaraabada dhammaanteed
Qiirey na gelisoo
Qalbigaa jeclaay iyo
Qofkii Layla baratee
Qaaddirow Raxmaanow
Qabrigeeda waa sici.

Abwaan Ibraahim Cali Raage

Eebbe ha u naxariisto, qarbigana ha u nuuriyo.

Bahda halabuurka Soomaaliyeed. W/D: Shiribmaal

You might also like More from author

Leave A Reply