Koox hubeysan oo Qof u shaqeeya DF Ku dishay Muqdisho!!

0
Wararka laga helayo nawaaxiga  masjidka Sheekh Cali Suufi ee degmada Hodan ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya in koox Ku hubeysan Bistoolad ay halkaasi Ku dileen mid ka mid ah shaqaale ka tirsan Dowlada Soomaaliya.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ninkan la dilay xili uu sii galayay masjidka sheekh Cali Suufi.
Kooxda dilka geysatay ayaa waxaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay,iyagoona halkaasi ka bilaabay baaritaano.
Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay dilalka loo geysto shaqaalaha ka tirsan dowlada iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
Shabakada Shaaciye
Xafiiska Muqdisho
warkashaaciye@gmail.com

You might also like More from author

Leave A Reply