Hal Arrin Oo Sabab U Noqon Karta In Ay Heshiiyaan M/ Goboleedyada Iyo Dowladda Dhexe!!

0
Todobaadkan warkii ugu weyna ee la maqlo wuxuu ahaa ” MAamul goboleedyada ayaa xiriirka u jaray dhiggooda dowladda dhexe” kaas oo dad badan la qaadan waa’ ku noqday.
Haddaba dadka wax falanqeeya ayaa dhanba dhan u dhigay sheekada, Shakabadda wararka ee Shaaciye qeybteeda falanqeeynta siyaasadda ayaa isku dayeysa in ay taataabato caqabadaha hortaagan wada shaqeynta dowladda dhexe iyo maamul dowladeedyada?
Maamullada dalka ka jira oo hadda shan sii caga cageynaya ayaa xiriirka u jaray dowladda dhexe, taas waxaa sabab u ahaa sida ay sheegayaan madaxda dowlad goboleedyada, cadaadis dhanka dowladda kaga imaanaya, iyo in ay dooneyso sida ay warka u dhigeen burburinta nidaamka federaalka oo uu dalka qaatay.
Haddaba Is ixtiraam iyo tixgelin ayaa ku filan labada dhinac si ay u helaan degnaashiyo xooggan iyo wada shaqeyn toos ah, taas oo marka hore waajib tahay in ay kasoo go’do dhanka dowladda dhexe.
Haddii la waayo middaas waxaa meesha ka baxaya wada shaqeyntii iyo isu niyad furnaantii labada dhinac taas oomuhiim u ah howlaha dalka ugu waa weyn ee horyaalla.

You might also like More from author

Leave A Reply