Wasiirka A/ Dibadda Jabbuuti Oo Cagta Mariyay Sheegashada DFS Ee Heshiisiinta Eriteria & Jabbuuti

1
 Wasiirka arrimaha dibadda Jabbuuti ayaa bartiisa Twitter ka soo dhigay qoraal dheer oo uu kaga hadlayo xasaradda gobolka Geeska Afrika.
Wasiirka ayaa daaha ka qaaday cidda ka dambeysa wada heshiisiinta dowladaha Eriteria iyo Jabbuuti.
Mudanaha ayaa meesha ka saaray arrin ay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya tiri oo ahayd in ay ka iyaga ka shaqeynayaan wada heshiisiinta labada dal ee Jabbuuti Iyo Eriteria.
Dowladda Sacuudiga ayuu uga mahadceliyay sidii ay uga qeyb qaadatay wada heshiisiinta labada dhinac, wuxuuna sheegay in ay middaas nabad waarto usoo jiideyso xaaladda gobolka.Geeska Afrika.
Ceeb ayey Soomaaliya ku tahay in ay sheegato heshiisiinta laba dal, iyada oo ku fashilantay in ay la heshiiso maamul goboleedyada.
Hoos ka akhriso qoraalka

Fb Img 1536404954785

You might also like More from author

Leave A Reply