Maamulka Donald Trump Oo Hor istaagay Gargaar U Socday Falastiin

0
Aqalka cad ee Mareykan ka ayaa hor istaagaya adduun lacageed $200 million, taas oo gargaar ahaan ugu socotay dadka reyidka ah ee reer Falastiin kuna dhaqan marinka Gazza iyo daanta galbeed.
Joojintaan ayaa ku lug leh xiisadaha siyaasadeed iyo midda ammaan ee ka taagan aaggaas, waxaana ay majaladda foreignpolicy u xaqiijiyeen saddex siyaasi in dhibaato ay ku tahay benii aadamnimada.
Caddadka lacageed ee la hakiyay wuxuu ugu yaraan u dhigmay baahida halkaas ka jirta ama uu dabooli lahaa, ha yeeshee kulan sare oo ay yeesheen xoghayaha arrimaha dibadda Mareykan mudane Mike Pompeo iyo Jared Kushner oo ah wiilka uu soddogga u yahay madaxweyne Donald Trump.
Kal hore ayuu Congress ka Mareykan ka u qoonddeeyay dhibbanayaasha ku dhaqan Gazza iyo daanta Galbeed lacag gaareysa $230 million, ha yeeshee go’aankan wuxuu dhabar jab ku noqonayaa qorshaha kongareeska ee ahaa caawinta dadka reer Gazza.

You might also like More from author

Leave A Reply