Qarax Ay Askar Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Gudaha Kenya

0
Waraka ka imaanaya wadanka Kenya, gaar ahaan gobolka xeebta ku yaalla ee Lamu ayaa sheegaya in kooxda Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya ay weerarreen oo qaraxyo la beegsadeen gaari ciidan oo ay iska lahaayeen ciidanka Kenya.
Gaariga qaraxa lala eegtay waxa ay sheegayaan in uu burburay, inkastoo warkaas uu yahay kan ay baahiyeen warbaahinta kooxda Shabaab, haddana weli lama oga xaqiiqada saxda ah ee gaariga uu qaraxa qabsaday.
Kooxda Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas, waxaana ay qirteen in ay dileen sagaal askari oo kamid ah kuwa militeriga dalka Kenya kuwaas oo saarnaa gaariga qaraxa lala eegtay.
Afhayeenka dhanka ciidamada Shabaab Cabdi Caziiz Abu Muscab oo la hadlay Idaacadda afkooda ku hadasha ee Andalus ayaa sheegay in sagaal ka tirsan ciidamada Kenya ay goobta ku dhinteen, halka saddex kale ay dhaawacyo halis ah soo gaareen.
Si kasta ha ahaatee dowladda Kenya ayaa la kulanta weerarro sidan oo kale tan iyo sannadkii 2011-kii xilligaas oo ay ciidanka dalkaas gudaha usoo galeen dalka Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply