Orodyahan Soomaali Ah Oo Bilad Kasoo Hoyay Tartan Lagu Qabtay Jarmalka

0
Bashiir Cabdi oo ah orodyahan u orda dalka Belgium-ka ayaa ku guulaystay biladda Qalinka oo waxa uu galay kaalinta labaad ee tartanka Horyaalka Yurub ee Orodka ee 10-ka kun ee mitir.
10 February 1989-kii ayuu Bashiir ku dhashay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, markii dagaallada ay ka qarxeen dalka ehelkiisa iyo qoyskiisa ayaa u guuray Yurub, tan iyo xilligaas wuxuu ahaa qof jecel ka dhabeynta riyadiisii ahayd in maalin uun uu ku guuleysto tartan caalamka ah sida markan dhacday ba.
Gudaha Belgium ka waa mid kamid ah xiddigaha ugu orodka badan oo dhowr jeer oo horey ayuu kaalma wanaagsan uga galay taramada gudaha lagu qabto.
Tartankan uu kaalinta labaad ka galay waxa ay uga dhigan tahay guushii ugu weyneed ee noloshiisa ciyaaraha banaanka uu ka keeno, dhanka kale Soomaaliya ayaa xiddigo ku wanaagsan ciyaaraha fudud ku leh caalamka, waxaana tusaalle wanaagsan u ah Max’ed Faarax oo u orda Ingiriiska.
Haddaba daawo muuqaalka wareeggii u dambeeyay ee guusha Bashiir Cabdi
Wareysi lala yeeshay kaddib guushiisii.

You might also like More from author

Leave A Reply