Maxaa Ka Qabsaday Axmed Madoobe Magaalada Adis Ababa?

0
Beryihii lasoo dhaafay madaxweynaha maamulka Jubbaland ee Soomaaliya mudane Axmed Maxmed Islaam Axmed Madoobe ayaa kusugnaa magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia.
Madaxweynaha ayaa halkaas ugu sugnaa sidii uu qeyb kaga noqon lahaa geeddi socodka lagu nabadeynayo dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia kaas oo beryihii lasoo dhaafay ay ka jireen qalallaase iyo fowdo culus.
Madaxtooyada Adis Ababa ayaa ku ogeysiisay Axmed in uu ka baxo Adis haddii uu sii wado shirinta iyo abaabulka dadka deegaanka,
Sidoo kale amarka ayaa imaanaya xilli lagu muransan yahay masiirka madaxweynihii hore ee maamulka dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia mudane Cabdi MAx’uud Cumar oo xilkiisa waayay.
Arrinta ayaa cirka isku shubtay kaddib markii loo sheegay masiirka maamulka D.D.S.I ay gacanta ugu jirto dowladda federaalka Ethiopia isna aan la weyddiin doonin.
Wararka sheegaya in amar lagu siiyay Axmed Madoobe in uu ka baxo Adis Ababo waa mid ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah wefdiga safarka madaxweynaha.
Si kastaba ha ahaatee Axmed Madoobe ayaa doonayay in uu ka odayeeyo Cabdi Max’uud Cumar iyo deegaanka ay dhalashada wadaagaan ee Ogadenia, ha yeeshee waa loo diiday fara gelin shisheeye.

You might also like More from author

Leave A Reply