Kooxo hubeysan oo dil geystay Muqdisho

0
Kooxo hubaysan ayaa  Degmada Kaaraan, gaar ahaan Suuqweynaha waxa ay ku dileen askari ka tirsan ciidamada  Milatariga Soomaaliya.
Askarigaan ayaa la sheegay xilliga la dilayay inuu ka soo baxay hoygiisa oo ku yaallo Degmada Kaaraan, dableyda hubaysana ay ku dileen meel aan sidaasi kaga fogeyn gurigiisa.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan dableydii dilkan gaysatay inay ka baxsadeen goobta, kadib markii ay toogteen askariga.
Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Kaaraan ayaa tagay goobta lagu dilay askariga, waxayna halkaasi ka soo qaadeen maydka marxuumka la dilay.
Al Shabaab ayaa muddooyinkaan dambe kordhiyay beegsiga iyo dilalka qorsheysan ee ay u gaysanayaan ciidamada ka tirsan dowladda Fedeeralka Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply