Duuliye Khatar U Geliyay Rakaab Diyaaradeed Xabbad Sigaar Ah!!!

0
Duuliyaha labaad ee dayaarad ay leedahay shirkadda Air China ayaa sababay in dayaaraddu ay si degdeg ah hoos ugu soo dhaadhacdo sida ay baarayaashu sheegeen.
Waxay sheegeen in inuu isku dayayey inuu qariyo sigaarka elektroonigga ah oo uu cabayey, isagoo si aan ku talagal ahayn u damiyey qaboojiyeyaasha dayaaradda, waxayna taasi keentay in heerka ogsijiinka uu hoos u dhaco.
Shaqaalaha saarnaa duullimaadkaas ka yimid Hong Kong ee ku sii jeeday Dalian ayaa sii daayey qalabka wajiga lagu xirto ee ogsijiinka laga neefsado, waxaana dayaaradda hoos loo soo daadejiyey 6,500 mitir (21000 oo cagood).
Goor dambe ayey ku laabatay jooggii ay ku duulaysay.
Baaritaan ay samaysay hay’adda Shiinaha u qaabilsan duullimaadyada rayidka ayaa muujiyey in duuliyaha labaad uu doonayey inuu damiyo marwaxadda gudaha ee qaabilsan wareegga hawada, si uusan urka sigaarku u gaarin rakaabka, isagoo aan arrintaana u sheegin kabtanka, laakinse taa beddelkeedii uu damiyey qaboojiyaha (mukayifka).
Rakaabka ayaa lagu wargeliyey inay suumanka dhexda ku xirtaan, ayadoo dayaaraddu ay degdeg hoos ugu dhaadhacday.

You might also like More from author

Leave A Reply