Qiso Xanuun Badan Oo ka Dhacday Xarunta Gobolka Banaaddir

0
“Haddii Aad Awooddid, Caawi Dadka Kale, Haddii Aadan Awoodin, Ugu Yaraan Waxba Ha U Dhimin” Dalai Lama.
Mahad Cali 4 sano ka hor ayuu Jaamacad ka qalin jabiyey muddo dheer ayuusan shaqo helin wuxuuna ku hamminayey inuu mar uun helo shaqo si uu noloshiisa iyo nolosha qoyskiisaba wax u taro.
Markii dowladda madaxweyne Farmaajo dhalatay oo gobolka Banaadir duq magaalo looga dhigay mudane Thabit ayuu CVgiisa u geeyey nin Xildhibaan ah oo ay isgaranayeen oo xataa aan ku qabiil ahayn, Xildhibaankii wuxuu shaqo kala raadiyey Thabit, guddoomiye Thabit si qalbi furan ayuu u soo dhaweeyey Mahad wuxuuna markiiba ka shaqo billaabay xafiiskiisa.
Muddo 5 maalmood ah markii uu shaqeynayey Mahad ayaa maalintii 6aad xafiiska laga xirtay guddoomiyihiina wejiga u beddelay, Mahad waa garan waayey sababta keentay in guddoomiye Thabit muddo 5 maalinmood gudahood ah uu isbeddelo kana xirto xafiiska, Mahad waa ka gaabsaday aadista shaqada markii uu arkay inaan la jecleysaneyn imaatinkiisa laakiin 20 maalimood kaddib ayaa waxaa soo wacay Xildhibaankii shaqada geeyey wuxuuna u sheegay in nin Hebel la yiraah oo dowladda la shaqeeya madaxdana u dhaw uu ku diray guddoomiyaha kuna yiri ninka aad shaqada siisay waa cadowga dowladda sirtaada ayuuna gudbinayaa sidaas ayaana shaqadaada ku weysay.
Ninka Mahad u qoonsaday shaqadiisa ee ku diray guddoomiyaha waa Dal-Joog ogaa baahida dhallinyarada markii uu maanta dowladda u dhawaaday oo fursad ka helayna wuxuu u adeegsaday awooddii uu dhallinyarada ku dhiirigelin lahaa mid uu ku colaadiyo oo uu uga been abuurto si aysan fursadaha shaqo ee dowladda u helin walina dhibaatadaas ayuu la dhex joogaa dowladda.
Mahad wali waa shaqo la’aan wuxuuse sugayaa nasiibkiisa iyo in waayaha dunidu ay mar uun saacidi doonaan isagoo ku qanacsan qaddarta Alle ogna hagardaamadii uu kula kacay shaqsigaas.
“Xaasidnimada Iyo Maseyrku Waxay Ka Mid Yihiin Cudurrada Wali Dawadooda Lagu Maqan Yahay”
Robert Kraft.
Waxaa Qoray Bashiir Maxmud

You might also like More from author

Leave A Reply