Maxaa ka Taqaannaa Shakhsiyadda Safiirka Cusub Ee USA Ay Usoo Magacawday Soomaalia

0
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa arbacadii safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya kadib markii muddo 9 bil ah safaaradooda Soomaaliya ay safiir la’aan aheyd.
Mr, Trump waxaa uu safiirkiisa Soomaaliya u magacaabey Donald Yamamoto.
Safiirka Soomaaliya loo soo magacaabay ee Yamamoto, waxaa uu madax ka yahay xafiiska Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda, waxaa uu horay u soo noqday safiirka Mareykanka ee Itoobiya 2006-2009 iyo Djibouti 2000-2003.
October sanadkii hore, waxaa jagadan safiirnimada Mareykanka ee Soomaaliya iska casilay Stephen Schwartz, ninkan waxaa la sheegay inuu isku casilay arrimo isaga u gaar ah, laakin warar xilligaas soo baxay waxaa ay sheegeen inay isku dhaceen aqalka cad.

You might also like More from author

Leave A Reply