Gudiyada dib u eegista Dastuurka faragelin ayaa nalagu haaya?

0
Gudiyada dib u eegista Dastuurka ku meel gaarka ah ee kala ah Guddiga Madaxa Banan, kan Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Gole ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ayaa si Wadajir ah waxaa ay u sheegeen in loo gacan dhaafay Shaqadii loo igmaday ee aheyd dib u eegista Dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.
Waxaana hadalkan warbaahinta la wadaagay Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah Xoghaya Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaana uu intaasi raaciyay in Guddiyada Dastuurka aysan haysanin waxyaabihii ay ku shaqeyn lahayeen Xukuumadaha heer fedderaal iyo heer dowlad Goboleed sida senatorku uu hadalkiisa u dhigay.
Guddiga Madaxa Banaan ee dib u eegista Dastuurka Soomaaliya ayaa maanta shan Cutub oo laga soo shaqeeyay waxaa ay ku wareejiyeen xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply