Madaxweyne Farmaajo oo Turkiga kula kulmay madaxweynihii xilka uga horreeyey!

0
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dalka Turkiga kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Xasan Sheekh ku booqday Guriga uu ka degganyahay Dalka Turkiga,halkaas oo ay labada mas’uul isku xog wareysteen.
Farriin Qoraal ah oo uu Madaxweyne Farmaajo soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku yiri:
Waxaan maanta kula kulmay magaalada Ankara Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaanu iska wareysannay horumarka, fursaddaha iyo caqabaddaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna“.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Dalka Turkiga uga qeybgelay munaasibadda dhaarinta iyo Caleemasaarka Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayid Erdogan.

You might also like More from author

Leave A Reply