Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo daahfuray hanaan Electronic ah oo dacwadaha loo qabanayo

0
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Baashe Axmed Yuusuf,iyo wasiirka caddaaladda Soomaaliya ayaa maanta daah furay hanaan cusub oo loo qabanayo Dacwadaha iyada oo laga guuray nidaamkii hore ee Waraaqaha.
Nidaamkan ayaa lagu sheegay in uu muhiim u yahay keydinta Xogta iyada oo si Electronic ah loola soconayo dacwadaha.
Nidaamkan waxaa ku shaqeyn doona Maxkamadaha kala ah midda sare,Racfaanka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Wasiirka Caddaaladda Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay munaasibadda furtaanka Barnaamijkan cusub.
Sidoo kale waxaa kulankan lagu daahfurayay Barnaamijkan ka qeybgalay Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir.
Waxyaabaha xiisaha leh waxaa ka mid ah in kiisaska ay qaadayaan maxkamadaha lagala soconayo Madaxtooyada dalka.
Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Maxkamadaha aysan ahayn meel lacago badan laga helo,waxaana uu nidaamkan ku sheegay in meesha ka saari kara cabashada badan ee dhinaca garsoorka la xiriirta.

You might also like More from author

Leave A Reply