DEG DEG:- Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska Oo Is Casilay!

0
Kaaliyaha arrimaha dibadda dalka Britian Boris Johnson ayaa u gudbiyay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalkaas warqaddiisa istaqaallada.
Mr Johnson ayaa ka tegay shaqada ka dib markii uu la dhici waayay go’aankii wasiirradda koobaad ee UK marwo Tarese May ee ku aaddan iskaashiga midowga Yurub.
Saacado uun ka dib ka go’aankii uu ku baxay Mudane David Davids oo kamid ah ahaa saraakiisha ugu sar sareysa olollihii UK ay kaga baxeysay EU da, ayuu imaanayaa is casilaadda wasiirka ama xoghayaha arrimaha dibadda dalkaas.
Mudane Boris Johnson ayaa kamid ah siyaasiyiinta ugu maskaxda furan ee ku jiray golaha wasiirrada ee Taresa May.
Britian ayaa sannadkii 2016 kii ka baxday midowga Yurub,  waxaa xigay in uu xilka wareejiyo wasiirkii koobaad ee dalkaas mudane David Cameron, kaas oo aanan ku qancin go’aanka iyo aftida bixitaanka.

You might also like More from author

Leave A Reply