Shil gaari oo qasaaro Badan geestay oo Muqdisho ka dhacay”

0

Shaaciye.com-Gaari nuuca xamuulka qaada ah ayaa manta ku rogmaday xaafada Taleex degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Gaariga ayaa ka soo baxay sida la sheegay Dekada magaalada Muqdisho wuxuu ku sii jeeday suuqa Bakaaraha, wuxuuna siday Shixnad.

Gaarigaas rogmaday waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhawaac inta la xaqiijiyay 3 ruux oo mid ka mid ah uu yahay wiil yar ayaa ku dhintay halka 5 ruux oo kalane ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawaca ah ayaa la soo sheegayaa in qaar kood xaaladooda ay liidato, iyagoona lagu daweynayo qaar ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho.

Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga bixiyay shilkaasi Gaari, laamaha amaanka iyo maamulka degmada Hodan ayaan ka hadlin khasaaraha ka dhashay Gaariga Xamuulka ah ee manta ku rogmaday.

You might also like More from author

Leave A Reply