Dhageyso: Xog Ku Saabsan Halka Lagu Hayo Haweeney Jarmalka Ah oo Laga Afduubtay Muqdisho”

0

Shaaciye.com-Maamulka Degmada Hobyo ee Gobalka Mudug ayaa sheegay inay heleen xog dhab ah oo ku saabsan halka lagu hayo haweeney u dhalatay Dalka Jarmalka oo dhawaan laga afduubtay Magalaada Muqdisho taasi oo  u shaqeysay Hay’ada ICRC Xafiiskda Muqdisho.

Gudoomiyaha Degmada Hobyo ee Gobalka Mudug ayaa Cabdulaahi Faat oo la hadlay  ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidoo loo soo badbaadin lahaa gabadhaan Jarmaalka ah ee Afduubka loogu heyso Gobalka Mudug gaar ahaan deegaanada u dhexeeya Degmooyinka Hobyo iyo Xarardheere ee Koofurta Gobalka Mudug.

Gudoomiyaha ayaa xusay ku dadaalayaan sidii Afduubayaasha looga soo deyn lahaa haweeneydaan ajanabiga inkastoo sheegay in  Al-shabaab ay ku sugan yihiin deegaanka lagu haysto.

Ugu danbeyntii Gudoomiye Cabdulaahi Faat ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya ay ka wadda hadleen sidii loo soo badbaadin lahaa muwaadinkaan u dhalatay dalka Jarmalka,oo Muqdisho u timid inay caawiso Shacabka Soomaaliyeed.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO

You might also like More from author

Leave A Reply