Aadan Barre Ducaale oo lagu helay musuqmaasuq maxkamadna la soo taagi doono?

0

Shaaciye.com-Xildhibaan  Aadan Barre Ducaale oo ka mid ah xildhibaanada ugu tunka weyn dalka Kenya aya baaritaan in dhaweydba ku socday isaga iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan laamaha kala duwan ee dowladda Kenya, aya ugu danbeyn lagu helay musuqmaasuq aad u weyn.

Guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa ee dalka Kenya oo soo afjaray baaritaankii ay wadeen aya xeer ilaaliyaha dalka Kenya waxa ay u gudbiyeen natiijadii baaritanka, waxana lagu wadaa in dhawaan lagu soo oogo dacwad ka dhan ah Xildhibaan Adan Barre iyo masuuliyiin kale.

Haddi ay xeer ilaalinta ku caddeeyso eedeyaha loo soo jeediyay Xildhibaanka aya wuxuu muteysan doonaa xarig lagu qiyaasay 50 ila 75 sano oo xarig ah.

Adan Barre Musuq
Adan Barre Musuq

You might also like More from author

Leave A Reply