Yaa ka danbeeya Amaan xumida wadada Jowhar iyo Muqdisho udhaxeeysa Xog Xasaasiya?

0

Shaaciye.com-Wadada udhaxeeysa Magaalada Muqdisho iyo Magaalada Jowhar oo xarun u ah Maamul gobaleedka Hirshabeele waxaay ahaan jirtay mid loogu gudbo si nabadgalyo ah wixii ka horeeyay marku biloowday in diyaaraha qaadka keena halkaasi ka soo degaan.

Muran Xooggan oo soo kala dhex galay Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda R/Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Ganacsatada qaadka keena ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay Sanadkii aynu soo dhaafnay iyadoo markii danbe qaadkii badnaa ee Muqdisho ka soo degi jiray loo weeciyay Magaalada Jowhar taaso ugu danbeyn murankii gaaray in Wasaarada Gaadiidka Xukumadda Fedaraalka amartay in Magaalada Jowhar oo ah xarunta Maamulka Hirshabeele aysan ka soo degi karin Diyaaraha qaadka keena.

Muran dhex maray Maamulka Hirshabeele iyo Dowladda Fedaraalka kadib, Wasaaradda Maaliyada ayaa heshiish la gashay ganacsatada qaadka keena maadama dhaqaalo Baddan oo ka soo geli jiray Garoonka Muqdisho ka dhumay iyado ugu danbeyn xal laga gaaray.

Maxaa dhacay kadib sida ilo wareedyo Muhiima inoo xaqeejiyeen Shaqsiyaad katirsan Dowladda Farmaajo iyo Khayre oo Xariir fiican uu kala dhaxeeyo Kooxda Al-shabaab ayaa bilaabay in kooxdaasi dhaqaalo ku siiyaan sidii Wadada Jowhar iyo Muqdisho loogu dhigi lahaay mid aan amaan aheyn iyaga oo ka baqdin qaba in Ganacsatada qaadka keena Muqdisho dib aay u bilaaban in Magaalada Jowhar ugu soo degsadaan Diyaaraha qaadka iyo in Maamulka hirshabeele u qaado Tallaabo lagu horumarinayo garoomada iyo dekadaha Maamumkaasi.

 

Maalintii shalay ayaay aheyd markii Xildhibaano Masuuliyiin iyo Ciidan katirsan Maamulka Hirshabeele halkaasi weerar dhabo gal ah lagu dilay iyadoo horey sidaan oo kale loogu dilay saraakiil Ciidan.

You might also like More from author

Leave A Reply