Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Oo baaq u dirtay Soomaaliland iyo Puntland

0

Hay’adda culumada Soomaaliyeed ayaa ugu horreyn Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeysay bisha barakaysan ee Ramadaan.

Waxa ay culumadu sheegeen in ay muhiim tahay in laga faa’iideysto fadliga iyo Kheyrka Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Sidoo kale hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa baaq nabadeed u dirtay maamullada Soomaaliland iyo Puntland, kana codsaday in dagaalka la joojiyo.

Halkan ka hoose ka akhriso Bayaanka:-

Tahniyad iyo baaq ku saabsan bisha ramadaan ee barakaysan

1- Hayadda culumada soomaaliyeed waxay shacabka soomaaliyeed iyo

ummadda muslinka ah guud ahaan ugu tahniyadaynaysaa bilashada bisha

ramadaan ee barakaysan ,waxayna ilaahay ka baryaysaa in uu na waafajiyo

dhammaan acmaasha uu raaliga ka yahay,gaar ahaan soonka maalintii iyo

salaadda hebeenkii,nagana aqbalo.

2-Bisha Ramadaan waa bishii sabarka iyo naxariista , waxaan ku baaqaynaa

in si deg deg ah loo joojiyo colaadda Tukaraq , ilaahayna looga baqo dhiigga

xaq darrada ah ee qubanaya. 3- Hay’addu waxay ku baaqaysaa in bishaan looga faa’iidaysto xallinta

khiaafaadka beeleed ama siyaasadeed ee u dhexeeya dadka soomaaliyeed ee

walaalaha ah .

4-Ramadaankaan wuxuu ku soo aaday ayadoo ay jirto baahi, gaar ahaan

barakacayaasha iyo dadka fatahaadu saamaysay,marka, Hay’addu waxay ugu

baaqaysaa cid kasta oo wax heli karta,gudaha iyo dibadaba,in kaalmo deg deg

ah loo fidiyo shacabka soomaaliyeed ee musiibadu ku habsatay. 5-Ramadaan waa bil cibaado ee ma aha bil ciyaaro,dhallinyarada ha lagu

jiheeyo ,tartan Quraan, adeegga bulshada iyo caawinta masaakiinta.

6-Ramadaan waa bishii towbadda iyo is-bedalka, waxaan isku

dardaarmaynaa towbad hufan oo la xariirta xuquuqda ilaahay iyo midda

aadamiga.

7-bishaan waxaa furan albaabada aqbalka ,marka waxaan soo jeedinaynaa in

ducada la badiyo ilaahayna aad loo baryo in uu faraj deg deg ah ummadda u

furo.

Ramadaan kariim

Guddiga Fulinta Hay’adda Culumada Soomaaliyeed

Muqdisho – soomaaliya

 

You might also like More from author

Leave A Reply