Madaxweyne Gaas “Puntland way iska difaaci doontaa weerarada Soomaaliland”

0

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi ayaa ka hadlay dagaallada ka soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Waxaana uu sheegay in dagaalladii u dambeeyay ay soo qaadeen Ciidamada Soomaaliland, islamarkaana masuliyadda wixi ka yimaada halkaasi ay iyagu qaadi doonaan.

Madaxweyne Gaas ayaa xusay in Puntland ay difaacan doonto dhulkeed, sidoo kalena ay ka hortagi doonto weerar kast oo ka yimaada dhanka Soomaaliland

‘’Waxaan rabaa Muuse Biixi iyo dowladdiisa gooni-goosadka ah in aan u sheego in Puntland diyaar u tahay in ay dhulkeeda difaacato, iska celiso cid kasta oo ku soo duusha, waxey ku socdaan xaq darro dhul aysan laheyn ayey rabaa in ay xoog ku qabsadaan, suurtagalna ma’ahan.” ayuu yiri Cabdiwali Gaas.

Weli xiisad u dhexeya labada dhinac ayaa ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, inkastoo maanta xaaladdu ay tahay mid dagan.

You might also like More from author

Leave A Reply