Akhriso:-Waa sidee xaaladda deegaanka Tukaraq Ee gobolka Sool

0

Wararka laga helayo gobolka Sool ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta xaaladda deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi ay dagan tahay kadib markii saacadihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen maamullada Soomaaliland iyo Puntland.

Xaalad degenaansho ah oo aan sidaa u weyneyn ayaa laga dareemayaa deegaankaasi, iyadoona weli labada dhinac ay isku hor fadhiyaan halkaasi.

Dadka deegaanka oo uu saameyn ku yeeshay dagaalkaasi ayaa cabsi xoogan ka muujinaya in markale lagu kor dagaalamo.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in  Soomaaliland iyo Puntland ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Sool.

Dagaalkii shalay oo ahaa mid xoogan ayaa waxa ay waxyeelo ka soo gaartay dad Rayid ahaa oo aan waxba galabsanin.

You might also like More from author

Leave A Reply