Guddoomiye Mursal Oo maanta ku wajahan magaalada Baydhabo

0

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in maanta uu ambabaxo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal uu ka qeybgalayo shirka Madaxda dowlad goboleedyada uga socda magaaladaasi, kaas oo la filayo in gelinka dambe ee maanta la soo gabagabeeyo.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ah tahay xaaladda guud ee dalka.

Waana shirkii labaad oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka, iyadoona shirkan kii ka horreeyay uu ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

You might also like More from author

Leave A Reply