Ramadan; Kulanka Diimaha!!!!!

Mawduuca noocan oo kale ah wuxuu u baahnaa qof aqoonta diimaha si wanaagsan u yaqaana, si uu waxbadan uga hadlo, balse waxaan ka cudur daaranayaa aqoontayd iyo mawduuca oo aan islahayn awgeed, maadaama loo baahan yahay in la helo daliilo sharci ah kuwaas oo aan ku caddaynayo mawduucan.

Arar iyo Afeef yar kadib waxaan diiradda ku saari doonaa maqaalkan Diimaha samaawiga iyo Bisha Barakeysan ee Ramadan, waanna mawduuc culimadii hore ee Islaamka ay waxbadan ka hadleen, ismarkaana u baahan in dadka lagu baraarujiyo in Diimaha Samaawiga dhammaan ay soo wada dageen bishan aynu kujirno ee Ramadan.

Kahor inta aannu u guda galin bu’da sheekada, waxaan marka hore wax ka ogaan doonaa micnaha erayga Ramadan, eray ahaan Ramadan waa mid kamid ah erayda reer Baadiyihii Carbeed ay isticmaali jireen, waxaana lagala jeedaa “Kulleelka Daran,” maadaama waqtiga Ramadan ta ay tahay xaraarrad ahaan dunida Carabta iyo waddamada Khaliij ka mid aad u sareysa oo ay adag tahay socodka caadiga, haddii aan la helin waxyaabaha fududeeya nolosha caadiga ah, islamarkaana gadaal kasoo diriyay, sida qaboojisooyinka iyo waxyaabaha lamidka ah.

Waa Bisha 9-aad ee kaltirsiga bilaha Hijriga ah, sidoo kale waa bisha ugu Barakeysan billaha caadiga ah Ilaahay ku sheegay Qur’aankiisa, faa’iidooyinka ay leedahay waxaa kamid ah in ay tahay waqtigii uu soo dagay Qur’aanka Kariimka, sidoo kalena waxaa kujira habeenka ugu khayrka badan habeenada Ilaahay abuuray, intaas oo fadli ayuu isku darsaday Ramadan, waana mid kamid waqtiyada uu Ilaahay ugu tallagalay in ay Addoomadiisa ay shaqaystaan shaqo kabadan kuwii ay qaban jireen 11-ka bil ee kale.

Magac ahaan waxaa bixiyay Kilaab Ibnu Murah oo ahaa odaygii Qurayshayd 200 Sanno kahor diinta Islaamka, tani waxaan ka qaadanaynaa in islaamka kahor la soomi jiray bisha Ramadan-na ay jirtay kahor dhalashadii Nabi Muxamed CS, iyo Soo saariddiisii xitaa, eray ahaan waxaa laga soo miinguuriyay الرمضاءoo ah waqtiga uu bilaawdo kuleelka daran, aynna dadku gubtaan kulleel dartiisa, sida ay qabaan taariikhyahannada qaar ee daraaseeya mawduucan.

Dhaqanka Yahuudda waxaa qayb ka ah Soonka Aamuska, ama Af-xirashada, sida uu Ilaahay Qur’aankiisu kusheegay “إِنِّي نَذَرْتُ لِلرَّحْمَنِ صَوْمًا فَلَنْ أُكَلِّمَ الْيَوْمَ إِنْسِيًّا} [مريم:26], waxay tiri Maryama markii ay cannuga (Ciise) dhashay “Waxaan u nadray Rabbiga Raxmaanka ah oo aan u soomay in aan cidna la ladlin,”  marka aad eegto soonka noocan ah waa kii hore ee dhaqanka Yahuudda, sidoo kale soonka caadiga ah ee aan annaga soono ayeey Yahuuddo Soomaan, waxaana daliil u ah in Nabiga N.N.K.H uu yiri markii uu kahadlayay maalinta Caashuuraa ama 10-ka Muxaram oo ah maalinkii Yahuudda uu ilaahay ka badbaadiyay dulmiiloowgii Fircawn, wuxuu yiri xadiith Lafdi ahaan sidan u ekaa “Khilaafa Yahuudda oo laba Maalin Sooma, halka iyagu ay Soomayaan maalinta 10-aad oo qudha,’’ tani waxay sidoo kale inoo caddeynaysa in sideena oo kale ay u soomi jireen.

Waxaan si toos ah u gali doonaa mawduuceen, annagoo waxbadan ka sheekeyn doona Soonka diimaha Samaawiga ah ay wadaagaan iyo bisha Ramadan muhiimadda ay diimaha u leedahay, “شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِيَ أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ)-“ البقرة 185 ilahay wuxuu ku leeyahay “Bisha Ramadan waa bishii aan soo dajinay Qur’aanka, xaal uu u yahay Hannuun dadka, iyo Caddayn Hannuun iyo kala bixin (Xaq iyo Baaddil), marka aan joogno Aayaddan , waxaan fur furi doonaa aanna hal hal u dhig dhigi doonaa qodobadda ay ka hadlayso Aayadda, ku bilaaw erayga والبيّنات مِنَ الهُدى= waxaa lagala jeedaa Kitaabka Injiilka Ah ama kitaabkii lagu soo dajiyay Nabi Ciise CS, waxaana caddayn u ah Aayadda 253 ee Suuradda Al Baqrah ee leh “وَآتَيْنَا عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ الْبَيِّنَاتِ) – البقرة 253 “Nabi Ciise (CS) waxaan siinay ‘Albayinaat’ Ama (Injiil), taas micnaheedu waxay tahay in bisha Ramadan uu isna soo dagay Injiilka Maadaama aayaddu sheegayso in ay tahay bishii uu soo dagay Qur’aanka, si lamid ahna waxaa jirta in ay isku bil yihiin labada kitaab ee Qur’aanka iyo Injiilka.

Sidoo kale Aayadda waxaa kujirta “الفرقان” ma ahan Furqaankii Qur’aanka ee waxaa lagala jeedaa Furqaan sida uu ilaahay ku leeyahay Aayadda 48-aad ee Suuratul Anbiya وَلَقَدْ آتَيْنَا مُوسَى وَهَارُونَ الفُرْقَانَ) – الأنبياء 48Muuse Iyo Haarruun waxaan siinay ‘AlFurqaan’ kii xaqqa iyo Baddilka kala saarayay,’’ sidaan ka warqabnana Nabi Muuse waxaa la siiyay kutubka tawraadka ama marka Bible ka la joogo waxa loo yaqaanno Old Testment .

Saddex-da kutub ee samaawiga ahba waxay wadaagaan saddex waxyaabood oo ah (Hannuunka, Raxmadda Iyo Nuurka,’’, F.G. ma ahan hadda ee waa markii ay saxda ahaayeen labada kale (Tawraad iyo Injiil0 ee la baddalay, waxaana daliil u ah middaas

Qur’aanka:- Ilaahay wuxuu ku yiri suuradda Al-Jathiyah aayadda 20-aad “هَذَا بَصَائِرُ لِلنَّاسِ وَهُدًى وَرَحْمَةٌ) “Kaasi (Qur’aanka) waxaa kusugan Nuurka dadka, iyo Hanuun iyo Naxariis ciddii yaqiinsan,”

Injiilka:- Ilaahay wuxuu ku yiri suuradda Maa’iddah aayadda 46-aad sida tan:وَآتَيْنَاهُ الْإِنْجِيلَ فِيهِ هُدًى وَنُورٌ) “waxaan siinay Injiil uu ku dhaxjiro Hanuun iyo Nuur,’’

Tawraadka:- wuxuu ilaahay kuyiri suuratul Ancaam Aayadda 154-aad “(ثُمَّ آتَيْنَا مُوسَى الْكِتَابَ تَمَاماً عَلَى الَّذِيَ أَحْسَنَ وَتَفْصِيلاً لِّكُلِّ شَيْءٍ وَهُدًى وَرَحْمَةً)- “Waxaana Siinnay Nabi Muuse Kitaabkii (Towreed) Annagoo ku Dhammaystirnay waxa wanaagsan, wax walbana Caddayn, Isagoo hanuun iyo Naxariis ah, inay la kulanka Eebahood Rumeeyaan.

 

 Sidaa darteeda Nabi Muxamed Cs iyo dhammaan intii rumeysay isaga ayaa la amray ba in uu raaco waddadii kuwii ka horeeyay ee soomi jiray sida uu ilaahay ku leeyahay suuradda 2-aad Aayadda 183-aad “يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ) ‘’kuwa ilaahay iyo Rasuulkiisa rumeeyayoow, korkiina waxaa lagu waajibiyay Soon, sidii loogu waajibiyay kuwii idinka horeeyay (Yahuud iyo Nasaaro),’’ tani waxaa inooga soo baxay in Soonku uusan Islaamka kaliya lahayn, oo lala wadaago Soonka sida loola wadaago salaaddo oo ay diimaha samaawiga ah ay uwada wadaagaan.

Suxufi-Ibraahiim waxaa la soo dajiyay maalinka koowaad ee bisha Ramadan, Tawraad (Old Testment) waxaa lasoo dajiyay maalinka Lixaad ee bisha Barakeysan ee Ramadan, Zabbuur (Pslams) isna waxaa lasoo dajiyay maalinta 12-aad ee Ramadan 482 Sano kadib markii lasoo dajiyay Tawraad, , sidoo kale Injiil (New Testmen, Gosple) isna waxaa lasoo dajiyay maalinka 18-aad ee bisha Barakeysan ee Ramadan 1050 sano kadib markii lasoo dajiyay kitaabkii Zabbuur ee Nabi Daa’uud CS, kitaabkii ugu dambeeyay ee lagu soo gunnaanaday waxyigii cirka ka imaanayay wuxuu ahaa Qur’aanka (Al-Dikr) isna wuxuu soo dagay 24-kii Ramadan 600- sano kadib soo dajintii Injii.

Sannadyada marka laga soo tago inta kale ee ah taariikhda ay soo dageen kutubta samaawiga waxaa kuu caddaynaya Axaadiista, sida uu sheegayo Xaddiiska soo socda ee ay sida wadajirka ah u warinayaan Imaan Axmed, Dhabbraani, Iyo Bayhaqi, kaas oo culimada qaar ay ciladeeyeen, balse uu xaddiis wanaagsan oo Xasan ah ku tilmaamay Sheekhul Albani, islamarkaana u dhacayay sida tan:- “أنزلت صحف إبراهيم عليه السلام في أول ليلة من رمضان، وأنزلت التوراة لست مضين من رمضان، والإنجيل لثلاث عشرة خلت من رمضان، وانزل الفرقان لأربع وعشرين خلت من رمضان ” قال البيهقي: قال الحليمي رحمه الله: يريد به ليلة خمس وعشرين.

Waxaan sheekadayda kusoo gabagabaynayaa “Diimuhu way dhasheen, balse waa ay kala dheeraadeen uun,”

Qalinkii Cabdiwahaab Axmed Cali

E-mail:- C.wahaabyare@gmail.com

You might also like More from author

Comments are closed.