Madaxweyne Biixi Oo dagaalka Tukaraq ku eedeeyay dowladda Soomaaliya

0

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha maamulka Soomaaliland ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay ka dambeyso dagaalkii xooganaa ee maanta ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Madaxweyne Biixi oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay gadaal ka riixeyso Ciidamada maamulka Puntland.

“Shacabka S/land meel kasta oo ay joogaan waxaan u sheegayaa oo aan ku wargalinayaa in dowladda Soomaaliya ay weerar  ku soo qaaday Ciidamadeena jooga  Jiidda hore ee dagaalka, Ciidankeena waxa ay guulo ka gaareen jihooyinkii laga soo weeraray oo ay jabiyeen difaacii Ciidankii soo weeray oo ay hubna ka furteen.”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliland.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dagaalkii maanta ay soo qaadeen Ciidamada Puntland, balse uu xusay in khasaare xoogan la gaarsiiyay, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxaa uu shaacka kaa qaaday in weerar kasta oo kaga yimaada dhanka Puntland ay iska difaaci doonto Soomaaliland.

You might also like More from author

Leave A Reply