Deg Deg:-Puntland Oo sheegtay in ay dagaal kula wareegtay Tukaraq

0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Puntland C/risaaq Cumar Ismaaciil oo goor dhow la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada maamulkaasi ay la wareegeen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

C/risaaq Cumar Ismaaciil ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Puntland ay dagaal kula wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi oo bilihii la soo dhaafay ay maamulayeen Ciidamada milatariga Soomaaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in weli dagaalku uu socdo, haatana la’isku hayo duleedka deegaankaasi Tukaraq, illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Soomaaliland oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan sida ay soo sheegayaan dad Goobjoogayaal ah oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Sool ee Waqooyiga Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply