Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay Dagaal ka socda deegaanka Tukaraq

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo Saakay Aroortii markale ka qarxay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Dagaalka oo la’isku adeegsanayo hubka culus iyo kan fudud intaba ayaa waxa uu dhexeeyaa Ciidamada maamulka Soomaaliland iyo kuwa Puntland ee isku haya maamulka deegaankaasi.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhashay dagaalkaasi, balse aan weli si dhab ah loo xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

Mas’uuliyiin ka kala tirsan labada maamul oo la hadlay Warbaahinta ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu ka dambeeyo dagaalkaasi dib uga qarxay deegaanka Tukaraq gobolka Sool ee Waqooyiga Soomaaliya.

Shalay ayey aheyd markii iska hor imaad xoogan labada dhinac ee Soomaaliland iyo Puntland uu ku dhexmaray nawaaxiga isla deegaankaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply