Heshiiska Soomaaliland iyo Ruushka (Xog Daahsoon)

0
Shabakadda Shaaciye.com ayaa xog qarsooni ah ka heshay heshiiskii dhexmaray Somaliland iyo dowladda Russia.
Mas’uuliyiin ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa la kulmay saraakiil uu ku jiro wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland Mudane Sacad Shire kaas oo ay kala hadleen arrimo ay ku jiraan sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka Ruushka iyo gobolka Geeska Afrika.
Moscow ayaa dibad joog ka ahayd arrimaha Soomaaliya muddo hadda laga joogo 38-sano, markii ay isku dhaceen dowladdii dhexe ee uu hoggaaminayay Max’ed Siyaad Barre.
Heshiiskan wuxuu noqonayaa in dowladda Ruushka lagu wareejiyo dekedda Seylac ee dhacda gobolka geeska Afrika gaar ahaan deegaannada maamulka Soomaaliland.
Qorshaha waxaa lagu badalanayaa ictiraafka 27- dowladeed oo Ruushka saaxiibbo la ah.

You might also like More from author

Leave A Reply