Sidee Buu Caalamku Noqonayaa sannadka 2083-da (Saadaallin Waaqaca La Xiriirta)!!!

Waxaa la joogaa 10-ka May 2083-da, inta ugu badan dadkii an saaxiibbada ahayn xilligii facebook la isticmaalayay 97%kiiba waa ay le’deen, hal dhif dhif ah marka laga reebo, caalamku ma ahan kii aan naqiinnay, dhowr iyo labaatan sanno ka hor ayaa laga soo kabsaday dagaalkii saddex aad ee adduunka kaas oo galaafsaday dad iyo duunyo.
Nolosha waxa aan kaga noolahay cariish yar oo ku yaalla degmadii aan ku dhashay ee Waaberi, oo hadda muddo afartan sano laga joogo magaceeda loo rogay “Bilsan” isbaddalkii bey’o ee ku dhacay, waxaa ila jooga wiil uu awoow u yahay Yasin Ahmed oo ahaa walaalkey iga weyn, inkastoo dunida uu saameyay dagaalkii saddex aad haddana waxaa dib usoo noqday isbaddalkii tiknoolojiyadda, waxa aan heystaa mobile Iphone 51, sida uu u dabar go’y awgeed aan xitaa la heleyn spare parts kiisa, dadka hadda nool waxa ay isticmaalaan shirkado kale oo laga leeyahay India oo soo saara Taleefoonnada kuwaas oo ka faa’iideystay jabkii dhaqaalle ee Mareykan ka ku dhacay dagaalkii saddex aad.
Dadku waxa ay jeebabka ku wataan Tv yadii aan naqiinnay in guryaha la dhigan jiray, sida rikoor oo kale ayaa loo sitaa, wiilka aan awoowga u ahay ayaa aad u xiiseeya sports ka waxaana dunida oo idil ay taageereysaa kooxda Tottenham oo ah kooxda ugu wanaagsan caalamka, dalka oo idil waxaa ka jira suuq xumo dhanka shillinka Soomaaliga, dowladda talada heysa ayaa soo saartay lacag 50-kun oo isku dhaggan, haddana aan sarifmeyn, dalku wuxuu la ciir ciirrayaa lacagta yuan oo ah tan laga isticmaalo Shiinnaha, dhaqaallaha adduunka waxaa maamusha Chine, siyaasadda caalamkana waxaa laga go’aamiyaa bariga fog gaar ahaan Hinddiya iyo Shiinnaha ayeey ka dhaxeysaa.
Midowga urur dhowaan 35 sano jirsannaya oo lagu magacaabo (Iskaashatada Bariga dhow) oo fadhigoodu yahay Paris ayaa afti u qaadaya in Ingiriiska deymo dheeri ah la siiyo iyo in kale,
Jarmalka waxaa madax ka ah madaw asal Ghana ah, horeyna waxaa madax uga soo noqday sannadkii 2061 nin asalkiisii hore Siiriyaan ahaa, oo reerkiisa ay usoo qaxeen dalkaas sannadkii 2015-kii colaadihii dalkaas ka dilaacay, 10-kii qof ee Jarmal ah hal qof ayaa Aryan (German Pure) ah, inta kale waa senji kale.
Taliyaaniga iyo Spain ayaa sameystay isbaheysi ay madax ka yihiin oo loogu magac daray (Afro European Coalition) oo ay ku mideysan yihiin qaar kamid dalalka Afrikada Wuqooyi oo Marooko iyo Aljeriya ay ugu magac dheeri yihiin.
Yurubta Bari oo idil waxaa ka dhacay xasuuq ba’an oo lagu tirtirayo qowmiyadaha iyo dadyowga aan heysan Kirishtaanniyadda gaar ahaan mad-habta Orthodex ka, waxaana hoggaaminaysa Serbia, caawinnaad waxa ay ka heleysaa Madaxweynaha Gorgian ka ah ee ka talinaya waddankii la oran jiray Ruushka ee hadda loo yaqaanno Transcaucasian, taas oo inta awooddeeda dabacday qawleysato ay ku nooshahay, tan iyo jabkii dagaalkii saddex aad ee adduunka.
10 qof kasta oo adduunka joogta 4 kamid ah luuqadda Chine ayeey ku hadlaan, warbaahinta caalamka kuwooda ugu saameynta badan waxaa iska leh, Vitnam iyo Indha yar, Bakistaan waxaa ka dhacay kacaan xooggan, waxaa soo baxay qolya ku doodaya Great Hindustan, oo u ololleynaya in lagu biiro dalka labaad ee caalamka ugu quwadda weyn ee Hinddiya, oo mar hore inta la wareegtay Nepal iyo Sri lanka hadda hubeyneysa jabhadaha ku kacsan dowladda sii daciifeysa ee Bakistaan.
Dadka ugu badan ee bariga dhexe waxa au rumeysan yihiin Shiicinnimada, Iraaq, Lebnon, Kuwiat, Siiriya, Jorden iyo gobolka Intiisa badan waxa ay xulufo yihiin Iiraan oo siyaasad ahaan soo kabaneysa, weli waxaa taagan boqortooyooyinkii Carabta, dhaqaallahooda sare ayuu u kacay, mar walba waxa ay la tacaamulayaan qofkii quwadda sare leh, marnaba dagaal kama qeyb gelin marka laga reebo Iiraan iyo Imaaraadka oo dagaal aan saas usii buurneyn uu ku dhex maray sannadkii 2021-kii marsooyinka Berbera iyo Assab oo geeska Afrika kamid ah.
Quddus waa mid kamid ah magaalooyinka ugu nabddoon adduunka waxaa ka dhisan nidaam loo simman yahay oo qaab sinji iyo diimeed loo qeybsaday, waxaa ka dhisan maamul lagu magacaabo (Falisreal) oo madaxweynaha ay qaadanayaan Yahuudda, sharci dejinta iyo raiisul wasaarahana ay qaadanayaan Muslim ka oo labadaas xil laftigooda shiica iyo sunna u kala qaadanaya.
Brazil ayaa ah waddanka ugu wanaagsan Koonfur Amerika, Mexico ayaa kaalinta labaad ku cariirrineysa Mareykan ka oo kaalinta lixaad kaga jira dhaqaallaha adduunka, halka Canada ay iyana saameyn xoogaa ay ku leedahay gobolka.
Ethiopia ayaa ah go’aamiyayaasha siyaaaadda Afrika, saameyn tiknoolojiyad iyo mid dhaqaalle ayeey sameyeen muddadii u dambeysay, lakiin weli waxaa ah faqri dadkeeda, Gobolka waxaa ku yaalla mid kamid ah dalalka adduunka loosoo tumasha doonto waa Jabbuuti, ma jiro qiyyam dadeed iyo shakhsiyad wanaagsan, kacaankii xilka looga qaaday Keligii taliyihii Ismaaciil Cumar Geelle sannadkii 2027-kii, wixii ka dambeeyay dalka wuxuu noqday mid dadkiisa ay uun ka fekeraan sidii ay dhaqaalle uga sameyn lahaayeen dalxiiska dalkooda.
Soomaaliya siyaasaddeeda waxba kalama socdo, meelna ugama baxo buushkeygan yar, ee haddii uu jiro midkiin dadkii noolaa markaan boostigaan facebook ga ku daabacayay ha ii jawaabaan xaalka Soomaaliya ay kusugan tahay sannadkan bartamaha kusii siqaya ee 2083-ka.
Saadaasheyda caalamka lixdan sanno ka dib.
W/Q:- Cabdiwahaab Axmed Cali
E-mail:- C.wahaabyare@gmail.com