Shabaab Oo Dhagax Ku Dilay Haweeney Ay Ku Sheegeen In Ay Guursatay 11 Nin Hal Jeer!!

kooxda Alshabaab ayaa Fagaara kuyaal degmada Sablaale ee gobolka Sh/Hoose dhagax ugu dilay haweenay Soomaali ah oo ay sheegeen in ay gashay sinno.

Maxkamadda Sh/Hoose ee kooxdaas  ayaa Xukun ay ku sheegeen in uu yahay Rajmi (Dhagax dil ah) Ku Fulisay Haweeenay lagu magacaabo Shukri Cabdullaahi Warsame oo hal Mar 11 Nin isku guursatay sida ay sheegeen.

Qaadiga Maxkamadda  Sh/Hoose  ee deegaankaas ayaa goob fagaare ah ka akhriyay xukunka lagu riday haweenayda waxaana ay sheegeen in ay qiratay dhammaan dambiyada lagusoo eedeeyay oo ahaa in ay guursatay 11 Nin hal mar, xaaladda caafimaad ee Shukri Cabdullaah Warsame ayeey ku sheegeen warbaahinta kooxdaas in ay wanaagsaneyd.
Dadkii soo xaadiray fagaarihii xadku ka dhacayay ayaa aad ula yaabay dhacdadan waana arrin mar la arag ah in haweenay lagu soo eedeeyo in ay hal mar wada guursatay 11 Nin oo aan iska warqabin, ha yeeshee caqliga caadiga ayaa diidaya sida dad badan ay qabaan in falkaas uu dhaco hal mar, ma jirto sida caadiga qareen loo qabtay gabadha la dhagaxeeyay.
Kooxda Shabaab ayaa inta badan ku dhaqanta falal ka baxsan benii aadamnimada, waxaana keliya ay ku dilaan dhagax dumarka weli ma jirto qof raga oo la dhagaxeynayo ama xitaa sinno lagu eedeynayo.