Khaladkii Kheyrre Iyo Qoraallada Taariikhda (Faallo)

Aragtida ah ”aniga” ama (anaanniyada) in badan ayaa noolaha looga digay, islaamkana meel fog ka istaagay iyada oo la ceebeynayo, laguna sheegayo in ay tahay wax aad u liita oo aan qurux badneyn.
Si naloogu caddeyo fool xumooyinkii uu caanka ku ahaa Fircown oo ahaa mid kamid ah dembiilayaashii ugu weynaa adduunka rabbinimana ay u gaartay in uu sheegto anaanniyad darteed, eebbe wuxuu ku sheegay ciladda uu lahaa in keligiis uu doonayay in la dhageysto oo aan dhiniciisa aan laga hadlin, waxaana uu dadkiis ku lahaa “ما أريكم إلا ما أرى وما أهديكم إلا سبيل الرشاد} “Ma aragtaan waxa aan aniga arko mooyee, idinna ma wado waddada toosan mooyee!!”
Calaammadaha keligii talisyada waxaa kamid ah jeclaashaha buun buunninta iyo borobbagaanddada, iyo dafirraadda kala aragti duwanaashaha, si middaas ay u hirgeliyaan waa in loo sameeyaa heeso, gabayo, iyo wax kasta oo buun buun u noqon kara, si ay ugu noolaadaan caalam wada khiyaal ah.
“Keligii telisyada waxa ay cunaan caruurtooda!!!” waa halheys aad loo isticmaalay dabayaaqadii iyo bartamihii qarnigii 20-aad, maaddaama caalamka ay soo mareen rag inta qabsaday dal, dadkii u dhimanayay ama aaminsanaa laayay, tusaallayaasha ugu tolmoon ee aan soo qaadan karno waxaa kamid ah Mohammed Najiib iyo Jammaal Cabdinasir (Masar 1950s), Zilqafar Cali Bhuto iyo Zia Cabdulxaaq (Pakistan), MSBarre iyo Salaad Gabeyrre (Somalia) iyo tusaallayaal kale oo ayaa jira kuwaas oo caddeynaya keligii taliyayaasha in ay mar walba aysan xishmeyn saaxiibbadooda.
Falkii R/W Kheyrre kula kacay askarigii Booliska ahaa ee codsiga aan dhammeystirneyn dirsaday haddana canaanta loogu baddalay, uma arko qalad, waxaa laga yaabaa in Askarigaas doonayay in uu fasax ka qaato R/W isagoo qaddarinaya, waxaa laga yaabaa in xaalad deg deg ah ay soo wajahday, waxaa laga yaabaa in ugu yaraan uu watay codsi, ha yeeshee dhaqanka keligii taliska ayaan oggoleyn in barbarkiisa laga hadlo.
Yaanan hilmaamin e, Haa ilama qalddana Kheyrre, ee anaga ayaa qalddaneyn markii aan aaminnay islamarkaanna aan rumeysannay halheysyadii nalagu soo af duubtay ee waddaniyadda iyo askar jaceylka, sidee buu dal ku difaacayaa askari saaxiibbadiisa laga karantiillay?!!, caay iyo canaan loo mariyay iyadoo aan la dhageysan codsigiisa.
Waa su’aal u baahan jawaab hufan, dadka ku doodaya in madaxda la addeeco oo aan laga garab hadlin, ma akhrin miyaa sooyaalka islaamka iyo saluuggii saxaabigii Salmaan Alfaarisi ee Cumar bin khaddaab, ma baran miyaa in Nebiga inta nin u yimid ku yiri “Caddaalad fal Muxammadoow kuma arko in aad caddalad faleyside!!” Cumar iyo asxaabtii kale inta caroodeen dil ugu fakaday, nebigana uu ka diiday in ay ku colaadiyaan aragtidiisa uu xorka u yahay.
Soomaaliya kama baxeyso dhalanteedka illaa dhabbaha dhabta la qaado.
Cabdiwahaab Axmed Cali
E-mail:- c.wahaabyare@gmail.com