Shaaciye.com-Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay Qarax ka dhacay Degmadda Wanla-weyn ee gobolka shabeelaha hoose, sida sheegeen masuuliyiinta gobolka.
Qaraxa waxaa loo adeegsaday Mooto bajaaj, wuxuuna ka dhacay meel u dhow Aargadda degmadda.
Goobta uu qaraxu ka dhacay waa goob Qaadka lagu iibiyo, ayey sheegeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmadda.
Dad ku dhaawacmay qaraxa ayaa la geeyay Cusbitaalka degmadda , si rasmi ah looma xaqiijin tiradda dhaawaca.