Booliiska Kenya Oo ka digay weeraro Al Shabaab ay ka geeystaan dalkaasi

Booliska dalka Kenya ayaa soo saaray war qoraal ah kaa oo ay kaga digayaan weeraro Al Shabaab,daacish iyo Al qaaciada ay ka geeystaan gudaha dalkaasi inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Qoraalka Booliiska ayaa lagu sheegay in dhamaan uraradaasi ay horay u soo saareen hanjabaadya ah in weeraro ay ka geysan doonaan gudaha dalka Kenya.

Afhayeenka Booliiska Kenya Charles Owino ayaa dhankiisa ugu baaqay muwaadiniinta dalka Kenya in ay ka feejignaadaan weerarada Al Shabaab isagoona si gaar ah ula hadlay dadka degan gobalada aadka loo daganyahay.

Cabsidan soo wajahday Booliiska dalka Kenya ayaa imaaneysa xil dhawaan Al Shabaab ay ku dileen Magaalada Dhoobleey ee gobalka Jubbada Hoose 9 Askari oo kenyan ah.