Wiilal dhalinyaro ah Oo Koranta ay ku dishay magaalada Muqdisho

Labo wiil oo dhalinyaro ah ayaa koranta ay ku dishay degmada Warta Nabada ee gobalka Banaadir sid ay sheegeen dad goob joogayaal ah oo ku sugnaa meel aan sidaa uga fogeen goobta dhanlinyada ay korantada ku qabatay.

Wiilashan ayaa da’adooda lagu kale sheegay 16jir iyo 15 jir iyadoona xiliga korantada ay qabaneeysay ay marayeen wada cariira ah oo dhex marta xaafadaha degmada Warta Nabada.

Mid ka mid ah wiilasha korantada ay qabatay ayaa la sheegay in durba goobta uu ku geeriyooday halka mid ka kale uu daqiiqada ka dib u geeriyooda wax yeelada ka soo gaartay korantada qabatay.

Qof ka mid ah dadka degan degmadaasi ayaa sheegay in labada wiil mid ka mid ah uu u socday goobtiisa shaqo oo ku taala Suuqa Bakaaro halka mid kale uu u socday (GYM) goob jimicsi.