Madaxweynaha Kenya Oo qirtay in ku dhawaad 10 Askari looga dilay Dhoobleey

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ka hadlayay xaalada guud ee Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday qarax ciidama ka tirsan Kenya dhawaan lagula eegtay magaalada Dhoobleey ee gobalka Jubbada hoose.

Kenyatta ayaa sheegay in qaraxaasi ay kaga dhinteen 9 Askari halka uu sheegaya in tira kale ay kaga dhaawacmeen isagoona tacsi u diray shacabka Kenya iyo ehelada Askartii geeriyootay.

Al shabaab oo dhankooda ka hadlay qaraxa ay la eegteen ciidamada Kenya ee ka dhacay Dhoobleey ayaa sheegay in ay ku dileen 15 Askari oo Kenyan ah kuwaa oo kasoo gudbay xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa Al Shabaab kala kulma weerara isuga jira qaraxyo iyo kuwa toos ah oo Al shabab ay ku qaadaan xeryaha ay daganyihiin.