Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo muddo xurguf siyaasadeed u dhaxeysay ayaa ka heshiiyay wixii hore, kaddib markii ay ku kulmeen magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Xurgufta labada siyaasi ayaa ka dhalatay maamul u sameynta Hirshabeelle waxaana ay sii xogeysatay wakhtigii ugu dambeyay ee taliska XSM.
si kastaba ha ahaatee mas’uuliyiin kasoo jeeda Beesha Xawaadle oo Abti ugu aaddan Xasan ayaa ka shaqeeyay sidii loo heshiisiin lahaa labada masuul.