Shaaciye.com-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu wadaa in uu tago Magalada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxa ay xaiijiyeen in uu u imaanayo Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehlinayaan Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya.
Xasan Cali kheyre ayaa ujeedka safarkiisa ee Hobyo waxaa lagu sheegay in uu ka qeyb galayo Munaasabado xariga looga jarayo mashaariic kala duwan oo laga hirgelinayo Magalada Hobyo oo ay Wadooyin ku jiraan.
Waxaa lagu soo waramayaa in Magalada Hobyo laga dareemayo diyaar garow ku aadan soo dhaweyenta Berri ee Ra’iisul Wasaare Xaan Cali Kheyre.