Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya Oo qarax lagula eegtay duleedka Dhoobley

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya maanta lagula eegtay nawaaxiga degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday Gaari ay la socdeen Ciidamadaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay  illaa iyo 7 Askari, halka dhaawacyo halis ah ay soo gaareen  laba kale.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa mid xoogan oo dhawaqiisa  laga maqlay meelo fog fog.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland iyo saraakiisha Ciidamada Kenya oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro dhaba gal ah ku qaada Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada Jubooyinka.