AKHRISO:- Laba sifo Oo Beel Weynta Muddulood Ay Jecel Yihiin In Uu Yeesho Siyaasiga Matalaya Beeshaas!!

Tan iyo February 2017-, markaas oo ahayd markii mudane Xasan Sheekh Max’uud laga qaaday doorashadii dalka ka dhacday, oo isla laftigeeda go’aankeeda ay lahaayeen qaar kamid ah siyaasiyiinta ay isku heybta yihiin.
Teer iyo wakhtigaas ma jirin siyaasi wanaagsan oo beeshiisa sidii loo baahnaa ugu hagar baxay, hagar baxo ma ahan in uu noqdo qof ku hadla afka beeshiis, ha yeeshee in uu kasoo baxo waajibbaadka ay ku leeyihiin dadka uu ku matalo booskaas.
 Labadan sifo ee hoose waa labada ay beel weynta Muddulood ka jeclaan lahaayeen in uu yeesho siyaasiga matalaya.
  1. In Uusan Noqon Mid La Iibsan Karo Masiirkiisa:- waxaa caadi iska ahaa in siyaasiyiinta dhowaan beesha ku matalayay kuraasta xildhibaannimo iyo midda wasiirnimaba ay ahaayeen kuwa la iibsan karay masiirkooda iyo dadnimadooda.
  2. In Uu Ka warqabo isbaddallada Siyaasadeed Iyo Doorka Beeshiisa ay ka ciyaari karto:- waa muhiim in siyaasigu reerkiisa la socdaa graph ka ay sameynayaan marka siyaasadda la joogo, uuna diiradda saaro sidii hormar dhankaas uga sameyn lahaayee.