Sarkaal lagu toogtay Magaalada Muqdisho

Kooxa biskoolada ku hubeysan ayaa Saakay Magaalada Muqdisho ku Toogtay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Ilaalada deegaanka ee Xamar.

Dilka Sarkaalkan ayaa ka dhacay degmada Yaaqshiid gaar ahaan agagaarka Isgoyska Sanca waxaana goobta isaga baxsadeen kooxihii dilka fuliyay.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in Sarkaalka lagu magacaabi jiray Daahir Iidow xiliga la dilayayna uu ka soo baxay hoygiisa uuna ku sii jeeday goobtiisa shaqo.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii danbe marti gelisay dilalka qorsheysan ee loo geeysanayo Saraakiisha iyo Askarta ka tirsan Ciidamada dowladda.