Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Oo gaaray Maagaalada Baardheere

Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo wafdi uu hogaaminaya ayaa maanta gaaray Magaalada Baardheere ee gobalka Gedo.

Xildhibaano,wasiiro iyo xubna kale oo ka tirsan Gudiga Gurmadka Qaran ee fatahaada Webiyada ayaa ra’iisulwasaare ku xigeenka ku wehlinayay safarkiisa.

Ujeedka Wafigan ay u gaaraan Baardheera ayaa ah u kuur gelida xaalada dhabta ah ee ka jirta degmooyinka iyo deegaanada ay saameysa fatahaada webiga Jubba ee mara Gedo iyo Jubbooyinka.

Magaalada Baardheere ayaa ah magaalo ay aad u saameysay fatahaada Webiga Jubba iyadoona dadka ay isticmaalayaan doomo si ay isaga kala gudbaan qeybaha ay ka koobantahay Baardheere.