Macallinkii Hore Ee Manchester United Sir Alex Ferguson Oo Xaalad Deg Deg Ku Jira!!

Macalinkii hore ee kooxda Man United Sir Alex Ferguson ayaa xaalad deg deg ah ku jiro kadib markii maskaxda uu dhiig kaga furmay lana dhigay isbitaal ayadoo haatan qaliin deg deg ah lagu sameenayo.
Man United ayaa sidoo kale aqbaartan xaqiijisay waxaana marka kowaad la geeyay Isbitaal ku yaalo degmo Manchester ka tirsan balse waxaa haatan loo wareejiyay Salford Royal Hospital oo qaliin dhanka maskaxda loogu sameeyay.
Man United qoraal rasmi ah kasoo baxay waxaa lagu sheegay :Sir Alex Ferguson ayaa lagu sameeyay qaliin deg deg ah kadib markii maskaxda dhiig kaga furtay, qaliinkiisa wuxuu noqday mid lagu guuleestay, laakiin wuxuu u baahan yahay waqti dheeri ah oo daryeel gaar ah lagu siinayo si xaaladiisa 100% loo huubiyo, waxayna qoyskiisa codsadeen in arintaan ay noqoto mid gaar ah”
Ferguson wiilkiisa Darren Ferguson ayaa isagana ku qasbanaaday inuu seego kulanka kooxdiisa Doncaster oo ay la cayaareen Wigan inuu ka maqnaado inkastoo uu tababare u yahay kooxdan balse aabihiis ayuu kasoo tagi waayay.